AKHRISO:- Puntland oo dil ku riday 4 katirsana Kooxda Alshabaab

0

Maxkamadda Racfaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku ridey afar qof oo horey Maxkamada darajada koowaad ee shanta Gobol ciidamada qalabka sida kusoo riday Xukun,kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada islamarkaana qirtay dilal inay u geysteen qaar ka mid ah Hal-doorkii bulshada Gobalka Bari.

Afarta Nin OO maanta Qeybta Racfaanka Maxkamaddu xukuntay ayaa kala ah
Jaamac Aadan Cabdiririxman (Tusbaxle) oo lagu eedeeyay inuu Madax u ahaa Xukumanayaashan,Eedaysane Ayuub Cumar Shire,Eedaysane Cabdulahi Salaad Boos (Mahoonge) iyo Eedaysane Maxamuud Abshir Muuse (Olyo).

Sidoo kale Xukumane lagu magacaabo Cabdiririxmaan Shirwac Ciise (Laahoor) oo maqane ahaa horayna ugu jiray dadkii Maxkamada darajada koowaad ku xukuntay Dilka toogasho ayaa maanta maxkamadda Racfaanka ciidamada qalabka sida dib u dhigtay Xukunkiisa.