AKHRISO:- Dhimasho & dhaawac ka dhashay rasaas lagu furay dad ku sugnaa Goob Aroos ah duleedka Cabudwaaq

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka Qoolaali ee duleedka Waqooyi Bari ee degmada Cabudwaaq Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Nin hubeysan uu degaankaas ku rasaaseeyay dad Shacab ahaa oo ku sugnaa Goob uu kajiray Aroos, waxaana rasaastaas ka dhashay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal Qof ayaa ku dhintay Saddex kalana waa ku dhaawacmeen, waxaana falkaan la sheegay in uu salka ku haayo xifaaltan ka dhashay Arooska, iyada oo Ninkii ka dambeeyay falkaas uu goobta ka baxsaday.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa gaaray halka uu weerarka ka dhacay, iyaga oo baadi-goob u galay Ninkii ka dambeeyay falkaas, waxaana saraakiisha hoggaamineysa Ciidanka ay Shacabka ka codsadeen inay kala Shaqeeyaan sidii loo soo qaban lahaa.

Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud iyo degaannada hoostaga ayaa sanadihii dambe waxaa kusoo batay dilalka, iyada oo dhawaan goob fagaaro ah lagu toogtay Askari katirsanaa Ciidamada Millatariga, kaas oo degmada Cabudwaaq kudilay Taliye kuxigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.