AKHRISO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay inay dileen Sarkaal katirsan Al-Shabaab

0

Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saakay Howlgal Qorsheysan ka fuliyey tuulada Neebsooy oo 40 KM dhanka Waqooyi Bari kaga beegan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Teliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka konfur galbeed oo howlgalka hogaminayey ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada iyo Nin ilaalo u ahaa.

Sarkaalka ayuu sheegay in lagu Magacaabi jiray Cali Nuur iimaan (Tufow ) iyo mid kamid ah ilaaladiisa oo lagu Magacaabi jiray Awal Macalin Cabdullaahi.

Teliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay inay howlgallada sii wadi doonaan ilaa inta degaannada Koonfur Galbeed lagaga saarayo Al-Shabaab