AKHRISO:- Xukuumadda Somaliland oo amartay in laga hortago banaanbaxa mucaaradka qorsheysteen

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray dhammaan Ciidamada ammaanka in aannu deegaamada Somaliland ka qabsoomi karin mudaharaad aan sharci loo haysan, xilli xisbiyada mucaaradka ay qorsheysteen inay dhigaan banaanbax ka dhan ah Xukuumadda Somaliland.

Wasiirka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay la socdaan banaanbaxa ay qorsheysteen Xisbiyada mucaaradka, Isla markaana qofka muwaadinka ah uu xor yahay in uu banaanbaxo, hayeeshee looga baahan yahay inay tixgeliyeen xeerka u degsan Somaliland ee ah in muddo Saddex cisho ka hor ay kusoo wargeliyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka & Guddoomiyaha degmada si loogu asteeyo halka ay ku qabsanayaan banaanbaxa.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in banaanaxa ay qorsheysteen Xisbiyada mucaaradka uu yahay mid sifo sharci darro ah loo marayo loogana soo horjeedo furida ururada iyo doorashooyinka, isaga oo Ciidamada Amniga faray inay ka hortagaan.

Mucaaradka Somaliland ayaa qorshaynaya mudaharaad ka dhaca dhammaaan gobollada Somaliland oo ay ku dalbanayaan in doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, waxaana kal hore jirtay in Ciidamada Somaliland ay rasaaseeyeen banaanbax ay dhigayeen Xisbiyada, isla markaana ay ku waxyeeloobeen Xildhibaano iyo siyaasiyiin qeyb ka ahaa banaanbaxa.