AKHRISO:- Dil ka dhacay Beledweyne & faah faahin laga helayo

0

Koox hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Burcad ayaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ay kudileen Wiil Dhalinyaro ahaa oo kamid ahaa dadka Magaalada.

Wiilka oo lagu Magacaabi jirya Saadaq Rooble ayaa goobjoogayaal sheegeen in ragga dilay ay ka qaateen Mooto Bajaaj uu ku Shaqeysan jiray.

Wararka la helay ayaa sheegay in ka hor dilka uu muran xoogan dhexmaray isaga iyo Kooxdii Burcadda aheyd, balse uu waayay cid u soo gurmata.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa dilka kadib tegay Goobta, kuwaas oo baaritaano ay sameeyeen ku guuleysan waayay inay qabtaan Kooxdii Burcadda aheyd ee dilka u geystay Wiilka Dhalinyarada ah.

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaan ka dhici jirin falalka la xiriira dilalka ay geysanayaan Kooxaha Burcadda ah, balse dadka Reer Beledweyne ayaa walaac ka muujinaya dilkaan dhacay iyo sida uu u saameyn karo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya.