AKHRISO:- Maamulada Galmudug & dowlad degaanka Soomaalida oo ku heshiiyay iskaashi ka dhan Al Shabaab

0

Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwo dowlad goboleedka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sii xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilli Dowlad Deegaanka ay toddobaadkan wajahaysay duullaan Al Shabaab ku qaadday .

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Beddel Xiis oo ah la taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa BBC u sheegay in iyaga Galmudug ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al Shabaab ayaa dhawaan weerarro ka geystay deegaanka Caato ee gobolka Bakool, iyaga oo doonayay inay gudaha u galaan dhulka degaanka Soomaalida, waxaana sidoo kale dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidamada Dowlad Deegaanka uu ka dhacay tuulada Laas-qurun oo u dhaw degmada Feer-Feer.

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimcihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

Itoobiya waxay sheegtay inay dishay ku dhawaad 200 oo ka tirsan Al Shabaab.

Al-Shabaab waxay dhankeeda sheegtay in ka badan 100 askari.

Xaaladda degaannadii dagaalku uu ku dhexmaray Ciidamada dowlad degaanka ee liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ayaa degan, waxaana maamulka degaanka uu heshiisyo amni la saxiixanayaa dowlad Goboleedyada kajira dalka si aysan Al-Shabaab ugu gudbin dhulka dowlad degaanka Soomalida.