AKHRISO:- Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka isbadalka cimilada

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa mgaalada Kampala uga qeybgalay shirweyne looga hadlayo; Isbeddelka Cimilada, Tahriibka iyo Deegaanka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wasiirrada wadamada Africa, IGAD, AU, UNFCC iyo madaxweyneyaal uu ka mid yahay Madaxweyne Yuweri Museveni.

Ergeyga oo qudbad ka jeediyay shirka ayaa qudbaddiisa kaga hadlay dhinacyo badan isagoo carabka ku adkeeyay in soomaaliya oo meel hoose kaga jirga waddamada wasqeeya hawada (carbon emissions 0.03) ay haddana tahay Wadamada ugu horeeyo ee ay dhibaatooyinka ugu badan kasoo gaareen is beddelka cimilada.

Wadda ugu habboon ee loo mari karo xalka ayuu Ergeygu ku sheegay isla shaqeyn iyo iskaashi Soomaaliyana iyada oo ay Soomaaliya diyaar u tahay kala shaqeynta wadamada Africa iyo caalamka sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka is beddelka cimilada. Gebogebadii waddamada kala duwan ayaa isla qaatay inay Africa yeelato hal goorta la tego shirka loo madlanyahay ee Cop2.v