AKHRISO:- Ra’iisul Wasaare Xamse oo Beri hortagaya Golaha Shacabka

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maalinta Berito oo Isniin ah Xarunta Villa Hargeysa ku yeelanaya kulan uu hortagayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in berri uu jiro kulan ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha.

Xogaha la helay ayaa sheegaya in kulanka uu Ra’iisul Wasaaraha ku dalbanayo in 10 cisho oo dheeraad la siiyo oo uu ku soo dhiso Golihiisa Wasiirada, maadaama maalinta berri ku egtahay 30 cisho oo ahaa muddada uu u heystay inuu Gole Wasiiro ku soo dhiso, sida uu ahaa curfi siyaasadeed iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Kulan xalay Madaxtooyada Soomaaliy ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa warar soo baxayay ay sheegayeen inay isku raaceen in muddo cisho ah dib loo dhigo Magacaabista Golaha Wasiirada.