AKHRISO:- laamaha Amniga dowlad degaanka oo sheegay inay soo afjareen weerarkii Al-Shabaab

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ayaa lagu faah faahiyay dagaal qaatay muddo Afar Maalin ah oo Ciidamada dowlad degaanka Somaalida ay la galeen Ururka Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedka oo aad u dheer ayaa lagu sheegay in Afar Maalin kadib lasoo afjaray weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay, iyaga oo doonayay inay sii galaan degaano kuyaalla degaanka Oromada.

Sidoo kale laamaha Amniga dowlad degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay kadileen in ka badan 100 Xubnood, sidoo kalena ay ka gubeen 13 Gaari oo ay wateen, waxaana Warsaxaafadeedka uu u qornaa.

Waxaa la soo afjaray kooxdii Al-Shabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba Xubnihii katirsanaa Al-Shabaab.

Kooxdan Alshabaab ayaa ujeedkooda iyo damacoodu ahaa in ay galaan Deegaanka Oromiya iyagoo raba in ay sii maraan Dagmada Celkari oo ay ku biiraan kooxda argagixisada ee Shane.

Al-Shabaab iyagoo an gaarin halkii ay u socdeen ayaa waxaa laga gubay 13 Baabuur oo ay wateen, waxaana laga qabtay dhamaanba Hub, isgaarsiin iyo Agabkii ay wateen.

Hawlgalka ay Ciidamada Xooga gaarka DDS ay qaadeen sadex dii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanayd Alshabaab.

Guusha ay gaareen ciidanka xooga gaarka ee Dawlada Deegaanka Somaalida iyo in la soo af jaro hawlgalka waxaa qayb libaax ka qaatay Shacabka Deegaanka Soomaalida , oo Ciidamada Xooga gaarka ah garab istaag heerkii usaraysay umuujiyay, iyagoo ugu deeqay Raashin kala duwan, Xoolaha nool, Cabitaanno, Lacag iyo waliba Dhiig shubis.

Sidas darteed Golaha amaanka ee Dawlada Deegaanka Soomalidu waxa uu u mahad celinayaa shacabka Deegaanka oo sidii horayba loogu yaqiinay ugarab istaagay Ciidamadooda.

Ugu dambayn Goluhu waxa uu shacabka la wadaagi doonaa xogaha ku saabsan Hawlgalka ayaa lagu soo geba-gabeeyay warsaxaafadeedka.