AKHRISO:- Puntland oo sheegtay inay qabatay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

0

Kadib howlgallo ay sameeyay laamaha Amniga Puntland ee Gobolka Bari ayaa waxaa la sheegay inay gacanta kudhigeen Saraakiil Sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Boosaaso, waxaana saraakiisha laamaha Amniga Puntland ay sheegeen in ay ahaayeen Saraakiisha ay qabteen kuwo dhibaato ka geystay Magaalada Boosaaso, isla markaana dhawaan la Maxkamadeyn doono

“Waxaay ahaayeen Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo muddo la raadinayay qaarkood magacyadooda ayaan sii heynay, waa ay mahadsan yihiin dadkii nala Shaqeeyay, waana sii beegsan doonaa kuwa dhibaateeya Shacabka ” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Laamaha Amniga Puntland.

Maamulka Puntland ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay dagaal adag kula jiray Ururka Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, waxaana dhowr jeer ay dil toogasho ku fuliyeen Xubno lagu helay inay katirsan yihiin Al-Shabaab.