AKHRISO:- Soomaaliya iyo Finland oo ka wada-hadlay gurmadka Abaaraha iyo dib u heshiisiinta

0

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Finland.

Guddoomiyaha iyo ergayga ayaa kawada hadlay arrimo kala duwan oo ay ugu muhiimsanaayeen hannaanka nabad ku soo dabaalidda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya iyo kaalinta dowladda Finland ka qaadan karto, gurmadka abaaraha, dib u heshiisiinta, tababarrada iyo dowlad wanaagga.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ayaa marka hore ugu hambalyeeyay ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed, xilkaan oo dhawaan loo magacaabay.

Ergayga gaarka ah ee Dowladda Finlad u qaabilsan arrimaha nabadaynta geeska Afrika Mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Finland ay diyaar u tahay wadashaqeynta dowladda cusub iyo ballaarinta taageerada ay siiso Soomaaliya.

Dowladda Finland ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana dhawaan ay Geeska Afrika u soo magacaabatay Ergay gaar ah, kaas oo ah Soomaali heysta dhalashada dalkaas.