AKHRISO:- Puntland oo Guddi baaris u saartay dhacdadii ay ku baxsadeen Xubno katirsanaa Al-Shabaab

0

Ku simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdullaahi Warsame ayaa Guddi Baaris ah u magacaabay dhacdadii dhawaan ka dhacday Saldhiga Cirka oo ay ku xirnaayeen qaar kamida Maxaabiista Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Ku simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Gobolka Mudug Xasan Cabdullaahi Warsame ayaa loogu magacaabay Xubno Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood, kuwaas oo kala ah.

1) Maxamed Xassan Waloore: Guddoomiye kuxigeenka 2aad G.Mudug
Guddoomilyaha Guddiga

2) Maxamud Cabdi Nuur. Duga Magalaada Gaalkacyo xubin

3) GLe Sare Aadan Nuur Cali Taliyaha Xabsiga Dhexe Gobolka Mudug xubin

4) Gle dhexe Maxamed Cabadulaahi Xirsi

5) Gle Maxamed Khaliif Jaamac Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Mudug Xubin

6) Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQs G/Mudug Cawil Balley

7) Kuxigeenka C.I.D.da gobolka mudug lbraahim Bidaar xubin.

Xubnaha Guddigaan ayaa laga sugayaa inay warbixin dhameystiran ka keenaan sababta baxsashada maxaabiista, waxaana la faray Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug & taliyaha Ciidamada Cirka inay Guddiga u fududeeyaan baarista arrintaan.

Xabsiga sida gaarka ah ay ugu xirnaayeen Xukunsanayaal katirsanaa Al-Shabaab ayaa waxaa ka baxsaday Habeen ka hor 7 Xubnood, hayeeshee Afar kamid ah oo mid dhaawac yahay la qabtay halka Saddex kamid ah ay baxsadeen.