AKHRISO:- Galmudug oo degmooyin u aqoonsatay baxdo iyo Wisil

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u hehsiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa degmooyin cusub u aqoonsatay Magaalada Baxdo oo katirsan gobolka Galgaduud & Magaalada Wisil oo katirsan Gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug ayaa lagu faah faahiyay dhamaan waxyaabaha suurto geliyay inay degmooyin u aqoonsato Baxdo iyo Wisil, iyada oo sidoo kale lagu sheegay inay buuxiyeen shuruudihii degmanimo.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u hehsiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa ayaa Golaha Wasiirada Galmudug u gudbisay degmonimada Magaalooyinka Baxdo iyo Wisil, iyaga oo ugu dambeyn Maanta ansxiiyeen.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Baxdo golaha Wasiirada Galmudug ayaa loo qeybiyay Wasiirada nuqulka shuruudaha lag xushay in Magaalooyinka Baxdo iyo Wisil loo aqoonsado degmooyin, iyaga oo akhrin kadib ay ansixiyeen.

Ugu dambeyn Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u hehsiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka codsatay Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug inay si deg deg ah u ansixiyaan degmanimada Magaalooyinka Bado iyo Wisil ee Gobolada Mudug & Galgaduud.

Horay ayaa Golaha Wasiirada Galmudug waxaa ay degmo cusub u ansixiyay degmada Guriceel , waxaana socda qorshooyin degaano kale loogu ansixinayo degmooyin katirsan Maamulka Galmudug.