AKHRISO:- Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Saraakiisha ATMIS kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu hogaaminayay.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Secter Five ee Ciidamada ATMIS General Ndizigiye elie kala hadlay sugida amniga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Degaannada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa aad ugu xoogan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan.