AKHRISO:- RW Xamsa oo Safiirka Midowga Yurub kala hadlay kordhinta mashaariicda

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta waxaabuu xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Dowladda Soomaaliya iyadoo lagu saleynayo howlaha hortebinta u leh Dowladda.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa sheegtay inay si dhow ula Shaqeyn doonto dowladda Cusub ee Soomaaliya, isla markaana ay kordhinayaan mashaariicda horumarineyd oo ay ka fuliyaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa uga mahad celiyau Safiika taageerada uu Midowga Yurub siiyo Soomaaliya isaga oo balan qaaday inay Midowga Yurub wadashaqeyn buuxda la yeelan doonaan.

Maalmaha soo socda ayaa ka hor Magacaabistiisa Golaha Wasiirada waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu la kulmo Wakiilada Beesha Caalamka, isaga oo kala hadli doona taageerada ay dooneyso dowladda cusub iyo in loo gurmado dadka ay saameeysay abaarta.