AKHRISO:- Baarlamaanka Puntland oo diiday ansixinta mas’uuliyiin uu Magacaabay Madaxweyne Deni

0

Xildhibaannada Golaha Wakiiladda ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta waxaa ay kulan aan caadi aheyn ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Garoowe, iyada oo la horgeeyay Xubnihii Magacaawnaa ee Maxkamada Sare ee Puntland.

Kulanka oo uu shir gudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdisamad Maxamed Abwaan ayaa waxaa gooobjoog ka ahaa 43 Xildhibaan, waxaana ajandaha uu ahaa Ansixinta xubnaha uu Madaxweyne Deni u magacaabay Maxkamadda sare ee Puntland, iyaga oo Xildhibaannada ay didieen inay ansixiyaan.


Xubnaha Maxkamadda Sare waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan, 11 mudane ayaa diiday halka ay ka aamuseen 9 Xildhibaan, waxayna Xubnaha Magacaaban ee Maxkamadda Sare ee Puntland codka kalsoonida ku heli lahaayeen 34 xubnood markii ay Oggol ugu codeeyaan.

Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee Maamulka Puntland ayaa sidaas ku waayay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada Puntland, waxaana la filayaa in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu dhawaan isbedel ku sameeyo.