AKHRISO:- Shil khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Burco

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Somaliland.

shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen mooto Bajaaj iyo gaari nooca rakaabka qaada ee Baska oo xiligaasi siday dad rakaab ahaa.

Agaasimaha Isbitaalka Magaalada Burco ayaa warbaahinta u sheegay in shilka uu ku dhintay hal qof sidoo kalena ay shan qof ay ku dhaawacmeen.

Waxaa uu sheegay in xaaladooda Caafimaad hadda ay kula tacaalayaan isbitaalka Magaalada Burco.