AKHRISO:- Puntland oo gacanta ku dhigtay Ajaanib ka tirsan Kooxda Daacish

0

Kadib howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciiddamada PSF-ta Puntland ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Saddex rag ah oo kasoo jeeda qowmiyada Oromada ee degta Itoobiya, kuwaas oo Puntland sheegtay inay katirsan yihiin Kooxda Daacish-ta Soomaaliya.

War kasoo baxay Ciidamada PSF ayaa lagu sheegay in Raggan Saddexda ah la qabtay xilli ay ku sugnaayeen dhulka Buuraleyda ah ee Timiro oo katirsan Gobolka Bari , iyaga oo doonayay inay Sahay iyo Qalab Ciidan u geeyaan Xubno kale oo katirsan Kooxda Daacish, kuwaas oo kusugan Dhulka Buuraleyda ah.

Sidoo kale warka kasoo baxay Ciidamada PSF ayaa waxaa lagu sheegeen in raggaan ay qeyb ka yihiin 7 nin oo xogtooda horey loo hayay, kuwaas oo la ogaaday inay katirsan yihiin Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Buuraleyda Gobolka Bari.

Sidoo kale PSF waxaa ay sheegtay in Saddexda ragga ah baaris dheer oo lagu sameeyay kadib ay qirteen kamid ahaanshaha Kooxda Daacish una gudbin jireen Sahayda iyo Agabka kale oo ay u baahan yihiin.

Magacyada raggan iyo kuwa ka maqan gacanta ciidanka, ayaa la baahiyay, iyadoo la sheegay inay dhamaantood yihiin dadka Oromada ah ee tahriibka ku tagay magaalada Boosaaso.

Degaano badan oo katirsan Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari ayaa waxaa ku sugan Xubno ka kala tirsan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, waxaana mararka qaar ay weeraro la beegsadaan Ciidamada Puntland.