AKHRISO:- Goorma Ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse La Horgeynayaa Golaha Shacabka?

0

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta bilaabay kulamo uu la yeelanayo Xildhibaannada Golaha Shacabka, si uu codka kalsoonida u helo.

Xildhibaannada uu maanta la kulmay ayaa ahaa kuwa laga soo doorto Dowlad Goboleedka Hirshabelle, wuxuuna ka dalbaday iney ansixiyaan, iyagoo si buuxda ugu caddeeyay inay codka kalsoonida siinayaan.

Sida xogaha hordhaca ah ee la helayo ay sheegayaan, Maalinta Arbacada ayaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Xamse la horgeeyo Golaha Shacabka, si codka kalsoonida loogu qaado.

Inta badan marka ay timaado kalsooni-siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa Baarlamaanka si aqlabiyad leh u ansixiyaan oo aan wax caqabad ah lagala kulmin, waxeys caqabad ka timaadaa ansixinta marka la horgeeyo golaha wasiirada oo ay ka soo muuqan waayaan.

Xamze Cabdi Barre ayaa arbacadii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha, isagoo ah mudane golaha shacabka ka soo galay Jubaland, wuxuuna xoghaye ka ahaa xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh , waxaana dadaalada codka kalsoonida loogu raadinayo qeyb ka ah madaxweynaha dalka.