AKHRISO:- Maamulka Koonfur Galbeed oo kala diray Golihii degaanka degmada Xudur

0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku wargalisay Xubnaha Golaha deeganka degmada Xudur in waqtigoodi sanadkii hore dhamaaday isla markaana ay kala dirtay Golaha ayadoo si kumeel gaar ah xilka u sii heyn doonaan guddiga fulinta degmada oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha degmada, kuxigenadiisa iyo Xog-hayaha degmada xudur.

Sidoo kale Wasaarada ayaa sheegtay in dhawaan bilaabi doonto abaabulka dhisidda Golaha deegaanka ee degmooyinka waqtigoodi dhamaaday iyo kuwa cusub.

Sidoo kale Guddiga fulinta degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa waxaanla faray inay waajibaada Shaqo gutaan ilaa iyo inta laga sameeynayo Golaha degaanka Degmada.