AKHRISO:- Maxay ka wada hadleen Ergeyga gaarka ah ee Abaaraha & Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya?

0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaliya Larry Andre iyo madaxa hay’adda USAID Patrick Diskin.

Ergeyga iyo Safiirka, ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda Mareykanka ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraha daran ee ka jira guud dalka Soomaaliya.

War kasoo baxay Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in Maraykanka uu yahay dalka deeqda gargaarka bani’aadanimo ee ugu badan siisa Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga u ballan qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo kunool Koonfrta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa uu kulamo kala duwan la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka si gurmad loogu sameeyo dadka ay abaartu saameeysay.