AKHRISO:- Duufaanno waxyeelo ka geystay magaalooyin kamid ah Mareykanka

0

Waxaa markale duufaanno iyo roob dabaylo xoogan wata ay waxyeelo xoogan oo burbur ah ka geysteen magaalooyin kamid ah gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Duufanta ayaa sababtay oo saameysay guryo baddan iyo goobo ganacsi. Sidoo kale geedo baddan ayey duufaantu sababtay in ay jaraan fiilooyinka korontada iyo dhismo yaal baddan oo uu Gaadiid ku dhacay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Guryo farabadan iyo Goobo Ganacsi ay koronto la’aan noqdeen kadib markii duufaanta ay jartay fiilooyinkii kotontada.

Sawiro laga soo qaaday Magaalooyinka ay duufaanta ku dhufatay ayaa muujinaya heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha iyo saameynta Duufaannta magaalooyin Minnesota kamid ah.