AKHRISO:- Baaritaan ka socda Garoonka Diyaaradaha Boosaaso & mas’uuliyiin kormeeray

0

Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda iyo Guddiga Maaliyada ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa kormeeray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Guddiga amniga iyo nabadgalyada golaha wakiillada iyo guddiga maaliyada, dhaqaalaha iyo xisaabaadka golaha wakiillada Puntland, ayaa u kuur galayay shaqada balaarinta ah ee ka socota garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Ugu horeyn guddiyada ayaa kulamo la qaatay maareeyaha garoonka iyo saraakiisha kastamka cashuuraha garoonka, kuwaas oo ay ka dhageysteen habsami u socodka shaqada garoonka oo ay sheegeen in bishiiba ay soo fariistaan in kabadan 100 diyaaradod oo isugu jira caalami iyo kuwo sameeya safaro gudaha dalka ah.

Sidoo kale Guddiyada ayaa kormeeray habka ay u socoto casriyeynta iyo balaarinta garoonka, taas oo meel gabgabo ah mareysa.