AKHRISO:- Baarlamaanka Maraykanka oo ansixiyey lacag lagu caawinayo Ukraine

0

Golaha Senate-ka ee Maraykanka ayaa ansixiyey xirmo lacageed oo gaareysa illaa $40 bilyan taas oo lagu caawinayo dalka Ukraine. Qaraarkan ay sida aqlabiyadda ah u ansixiyeen golaha Senate-ka ayaa haatan loo gudbinayaa aqalka cad si uu u saxeexo madaxweyne Joe Biden.

Xirmadan lacageed ayaa loogu talo galay in lagu caawiyo dalka Ukraine shanta bilood ee soo socota si ay awood ugu yeeshaan inay iska caabbiyaan duullaanka uga imanaya dalka Ruushka. Lacagtan la siinayo Ukraine, waxaa ku jirta qayb loogu talo galay in dalkaas lagaga gacansiiyo dhinaca qalabka ciidamada, tababarada, hubka iyo weliba qaybo loogu talo galay dhinaca gargaarka bini’aadanimo.

Taageeradan la siinayo Ukraine, waxaa sidoo kale ku jirta qayb loogu talo galay in dalkaas lagaga caawiyo dhinaca wax soosaarka beeraha, si loo yareeyo cunto yarida ka jirta dunida maadaama dalkaasi ka mid yahay dalalka ugu horreeya dhinaca dhoofinta sarreenka.

Kaalmadan waxaa ogolaaday 86 senator oo ka mida 97 senator oo codeeyey, taas oo muujinaysa sida golaha Senate-ku uu isugu raacay qaraarkan. Xidhmadan la ansixiyey ayaa ku dhowaad $7 bilyan oo dollar ka badan, intii uu hore u soo jeediyey madaxweyne Biden, hase ahaatee madaxweynaha ayaa sheegay inuu taageerayo kaalmo kasta oo la siinayo dalka Ukraine, uuna saxeexayo marka ay xafiiskiisa soo gaarto.