AKHRISO:- RW Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland oo kulan ku yeeshay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guusha ku soo dhammaaday.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.

Dhawaan ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabto Magaalada Kismayao, hayeeshee wararka aan heleyno ayaa sheegaya in uu muqdisho ku sugnaan doono ilaa iyo inta laga caleema saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.