AKHRISO:- Sirdoonka Mareykanka oo shaaciyay arrin uu Putin damacsanyahay

0

Sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu isku diyaarinayo dagaal dheer oo uu ku qaado Ukraine, iyadoo xitaa guushii bariga laga gaaray ay suuragal tahay inaysan soo afjarin colaadda.

Waxa ay ku soo beegantay iyadoo dagaalo ba’an ay ka socdaan bariga, halkaasi oo Ruushka uu isku dayayo inuu dhul ku qabsado.

Moscow ayaa dib ugu celisay ciidamadeeda qabsashada gobolka Donbas ka dib markii Ukraine ay iska caabisay isku day ay ku doonaysay inay ku qabsato caasimaddeeda Kyiv.

Laakiin iyadoo ay taasi jirto, haddana ciidamadeedu waxay ku jiraan xaalad is-mariwaa ah, ayay sirdoonka Maraykanku sheegeen.

Avril Haines, oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka Mareykanka Talaadadii in Putin uu weli damacsan yahay “inuu gaaro yool ka baxsan Donbas”, laakiin “inuu wajahayo is-waafajin u dhexeeya hamigiisa iyo awoodda Ruushka ee hadda”.