AKHRISO:- Askar katirsan Booliska Somaliland oo dhimasho & dhaawac ku noqday Shil Gaari

0

Inta la xaqiijiyay Hal askari oo katirsan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku geeriyoiday 7 kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib Gaari ay saarnaayeen Ciidamada oo shil ku galay Gudaha Magaalada Ceynaba ee degaannada Somaliland.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu rogmaday Gaari Cabdi Bille ah oo ay saarnaayeen, waxaana 7 Askari oo dhaaeacoodu culus yahay la geeyay Isbitaalka Magaalada Ceynaba ee Gobolka Somaliland ula baxday Sarar.

Ciidamo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo Goobta ka qaaday meydka Askariga iyo 7 kale oo la sheegay in dhaawacooda uu yahay mid aad u culus.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale Askar katirsan Ciidamada Somaliland ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen shilal Gaari, waxaana dadka inta bafan sheegaan inay sabab u tahay Darawalada oo Gawaarida si xowli ah ku wada.