AKHRISO:- Alshabaab Oo Shaaciyay Magaca Muwaadin Kenyan Oo Isku Qarxiyay Saldhigga Ceel-Baraf

0

Shabakadaha taageera Alshabaab ayaa waxaa ay baahiyeen magaca nin isku qarxiyay saldhig ay ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe.

Ninkan ka tirsanaa Alshabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Jamaal Diba Diida oo magaca afgarashadiisuna ay ahayd Zubeyr Al Muhaajir.

“Zubeyr waxa uu kasoo jeedaa magaalada Isiolo ee dalka Kenya waxama uu reebay dardaaran qiima badan oo uga hadlayo xaqiiqda ciidamada Burundi ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.”ayaa lagu yiri qoraal ay daabaceen shabakadaha taageera Alshabaab.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa toddobaadkii hore waxa ay ku qaadeen weerar isqarxin ku bilowday saldhigga ciidamada ATMIS ay ku lahaayeen Ceel Baraf,waxaana qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray ciidamo ka tirsan ATMIS ee dalka Burundi.

Afhayeen u hadlay dowlada Burundi ayaa sheegay in illaa soddon askari oo ka tirsan ciidamada ATMIS ay dhinteen halka toban kalana ku dhaawacmeen lana la’ yahay qaar kale.