AKHRISO:- Wafdi ka socda dowladda Somalia oo Shir uga qeyb galaya dalka Gambia

0

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Shirka 18aad ee Golaha Maamulka ee Ururka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika (AFROSAI-E) oo sannadkan ka dhacaya magaalada Banjul ee dalka The Gambia.

Shirkan oo socon doona muddo 4 maalmood ayna qayb ka yihiin Hantidhawrayaasha Guud ee dalalka ku midaysan Ururka AFROSAI-E ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa sare u qaadista isla-xisaabtanka iyo hoos u dhigidda musuqa iyada oo loo marayo xoojinta baarista hantidhawrista ku salaysan.

Hantidhawraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Gambia waxaa uu kulamo gaar gaar ah la qaafan doonaa Madaxda ka qeyb galeysa Shirka Hay’adaha Hantidhawrada Afrika.