AKHRISO:- Sarkaal katirsan Ciidanka Asluubta oo lagu dilay Muqdisho

0

Koox hubeysan ayaa Xaafad katirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir waxaa ay ku dileen X/le Xirsi Raage Wehliye (Xagaley) oo ka mid ahaa Saraakiisha Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Sarkaalkaan ayaa ka howlgalayay qeybta hoggaanka howlgelinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, iyada oo Kooxdii ka dambeeysay dilkiisa ay Goobta ka baxsadeen.


Kusimaha Taliyaha ahna Taliye Xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Guuto Cabdikariin Cali Afrax ayaa ka tacsiyeeyay dilka Sarkaalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in /le Xirsi Raage Wehliye (Xagaley) uu ahaa mid daacad u ah dalkiida iyo dadkiisa, isla markaana si wanaagsan ugu Shaqeeyay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkaas, iyada oo ay xusid mudan tahay in dilal horay uga dhacay Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka ay sheegteen Al-Shabaab.