AKHRISO:- Muhaajiriintii ugu badnayd oo gaaray xuduuda Maraykanka ee Mexico

0

Muhaajiriinta u tahriibaya dalka Maraykanka ee ka soo gelaya xadka dalka Mexico ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey muddo labaatan sano ah.

Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay xadka soo gaaraan tiro intaas ka sii badan, iyada oo la filayo in la qaado amar dhinaca socdaalka ah oo la soo rogay xilligii uu sida aadka ah u faafayey xanuunka COVID19, kaas oo dib u celinayey muhaajiriinta iyo magangelyo doonka.

Masuuliyiinta hay’adda Socdaalka ee Maraykanka ayaa sheegay in bishii March oo keliya in illaa 221,303 oo jeer la joojiyey muhaajiriin ka soo tallaabaya xadka Koonfur Galbeed ee Maraykanka, taasoo ka dhigan inuu jiro koror gaaraya illaa 34% marka la barbardhigo bishii February, sida ku cad xog ay hay’adda ilaalada xuduudaha Maraykanku u gudbisay maxkamad ku taalla gobolka Texas.

Tirada muhaajiriinta ayaa bilba bisha ka dambaysay sii kordhayey tan iyo markii uu xafiiska qabtay madaxweyne Biden, waxaana arrintani keentay in kooxaha kasoo horjeeda maamulka Biden inay u adeegsadaan caddaymo ku saabsan inaan madaxweyne Biden masuuliyad badan iska saaray ammaanka xuduudda.