AKHRISO:- Howlgal lagu qabqabtay dhalinyaro Ciyaal Weero ah oo laga sameeyay Muqdisho

0

Maamulka Degmada Dharkeenley iyo Ciidanka Booliska Saldhiga degmadaas ayaa xalay waxa ay si wadajir ah u fuliyeen Howlgal ka dhan ah Ciyaal Weerada dhibaatada ku haya Bulshada Deegaanka.

Howlgalkaan ayaa lagu soo qabtay dhalinyaro aad u fara badan kuwaasi oo ku eedeysan in ay ka mid yihiin Ciyaal weerada iyo qaar gacanta lagu soo dhigay iyaga oo gacanta kula jira ka qeyb qaadashada weerada, kuwaasi oo laamaha Amaanka ay la wareegeen si sharciga loola tiigsado.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Dharkeenleey Macalin Aadan ayaa sheegay in aysan aqbali doonin markii Ciidamada ay howlgalka kusoo qabtaan Dhalinyarada Ciyaal weerada ah inay ka daba yimaadaan Waalidiintooda, iyaga oo marmarsiiyo u raadinaya.

Guddoomiyaha Degmada Dharkeenley Guhaad Sheekh Xasan Cali ayaa sheegay in ay wadi doonaan Howlgalada ka dhanka ah Ciyaal weerada, asigoona dhinaca kale fariin u diray waalidiinta ku dhaqan Degmada Dharkeenley si ay gacan uga siin lahaayeen Maamulka ka hortaga Dhalinyarada dhibaatada ku heysa Bulshada.

Habeenadii la soo dhaafay ayaa Xaafado kayirsan degmada Dharkeenleey ee Gobolka Banaadir waxaa dhibaato ku haayay Dhalinyarada Ciyaal weerada ah, kuwaas oo dadka Shacabka ah dilaya qaarkoodna dhac u geeysanaya.