AKHRISO:- Ma’suul lagu dilay Beledweyne & howlgallo ka socda

0

Allaha u Naxariistee waxaa xalay dabley hubeysan Xaafada Xaawa taako ee magaalada Beledweyne ay ku dileen Gudoomiyihii hore ee Waxbarshada Gobalka Hiiraan Cismaan Muxumed Caato.

Xilliga la dilayay ayaa Goobjoogayaal sheegeen in uu kasoo baxay Masaajidka oo uu kusoo dukaday Salaada Taraawiixda, isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay Goobta ka baxsadeen

Ciidamo katirsan Booliska Beledweyne iyo Ehelladiisa ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Marxuumka oo aan weli la ogeyn sababta loo dilay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciidamada Booliska ay xalay ilaa saaka howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay ka wadaan Xaafada Xaawa taako ee Magaalada Beledweyne, balse aysan jirin dad weli loo qabtay.

Allaha u Naxariistee Guddoomiyihii hore ee Waxbarashada Gobolka Hiiraan ee xalay la dilay ayaa dhawaan xilka laga qaaday, waxaana hadda uu kamid ahaa Barayaasha Iskuulo iyo Jaamacad kutaalla Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.