AKHRISO:- Somaliland oo qeylo-dhaan u dirtay Beesha Caalamka & Shacabka Soomaaliyeed

0

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Baaq qaylo dhaan ah u diray, Beesha Caalamka, Bulshada iyo Ganacsatada Reer somaliland iyo Guud ahaan umadda Soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta Musiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo dhamaan Xubnaha Shir gudoonka Golaha ayaa sheegay inay aad uga murugeysan yihiin musiibadii ka dhacday Suuqa Waaheen, iyaga oo Alle uga baryay dadkii ku hanta belay in Alle wax kale ugu bedelo.

“ Waxkasta oo dhaca waxaa ay ku dhacaan qadarta Eebbe musiibadii ka dhacday suuqa ugu wyen Somaaliland ee Waaheen 1-dii Bishaan Apriil waxaa ay kamid tahay Imtixaannada ay Bani’aadamka marayaan, waxaan ugu baaqeeynaa dhamaan dakii ay sameeysay musiibadaas inay ku samraan ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Shir Guddoonka Golaha Wakiilada Somailand.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ka Gole ahaan ay Hiil iyo Xoolaba aysan waxba kala hari dooninsi looga soo kabsado Ganacsadii uu dhibka kasoo gaaray dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

“ Waxaan ugu baaqeeynaa dhammaan Bulshoweynta Somaliland, tan Somaliyeed & Beesha Caalamka in si mug leh looga qeyb qaato dib u dhiska iyo dib u hantiyeynta Ganacsatadii dhibka kasoo gaaray dabka heer kasta oo ay ahaadaan ayaa lagu yiri” Qoraalka.

Ugu dambeyn Shir Guddoonka Golaha Wakiilada Somailand ayaa waxaa ay ku baaqeen in cid kasta oo taakulo geysaneyso ay u marto cidda ama Guddiga loo igmaday si qorshuhu ugu fulo si quman oo daah furan loogana dhowro xagaldaacadda.

Qeylo-dhaantaan kasoo yeertay Golaha Wakiilada Somaaliland ayaa kusoo beegmeysa xilli Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku dhawaaqday in muddo Saddex Cisho Gudahood ah 15-milyan oo  Dollar ay gaarsiin doonaan Somaliland.