AKHRISO:- Dad ku dhintay Shil ka dhacay degaan katirsan Puntland

0

Dadweyne kunool halka uu shilka ka dhacay iyo Ciidamo katirsan kuwa ilaalada waddooyinka Gobolka Nugaal ayaa u gurmaday dadka ku waxyeeloobay Shilka, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Garoowe si loogu daaweeyo.

labada Ruux ee shilka ku dhintay ayaa la xaqiijiyay inay saarnaayeen Gaariga Shirkadda SURAD halka dhaawaca ugu badana ay ahaayeen Shaqaalaha Shirkadda DEMO oo dhisme qandaraas oo ay gacanta ku hayaan u socday.

Wadada xiriirisa Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ayaa waxaa kubatay Shilalka Gaari, iyada oo Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal ay dhowr jeer digniin kasoo saareen.