AKHRISO:- Shiinaha oo ku baaqay in Soomaaliya laga taageero dhanka Ammaanka

0

Ku xigeenka ergeyga joogtada ah ee Shiinaha u jooga Qaramada Midoobay, Dai Bing, ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siinayaan dhanka ammaanka.

“Xilligan, xaaladda ammaan ee Soomaaliya waa mid cakiran, taasoo lama huraan ka dhigaysa in beesha caalamku ay sii wadaan taageerada ay Soomaaliya ka siiyaan dhinaca amniga”ayuu yiri Dai Bing.

Waxaa uu ugu baaqay dalalka caalamka in xoogga la saaro tababarada ciidanka dowladda Soomaaliya si looga maarmo in ciidanka AMISOM ay sii jooggaan Soomaaliya.

“Muddadii 15-ka sano ahayd ee ay Soomaaliya joogeen, howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika waxa uu ahaa mid kaalin muhiim ah ka qaatay ammaanka iyo xasilloonida dalka”  ayuu yiri mar kale Dai.

Waxaa uu xusay in dowladda Shiinaha ay  taageerayso horumarinta Golaha Ammaanka ee Mandate-ka ATMIS wuxuuna rajeynayay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay xoojiyaan isku-dubbaridka geeddi-socodka fulinta waajibaadka ATMIS ayna si dhow ula shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si ay uga caawiyaan inay si tartiib tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadda koowaad ee amniga qaranka.