AKHRISO:- Soomaaliya oo soo dhaweeysay qaraarka ay ansixiyeen Golaha Ammaanka

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 oo lagu ansixiyay howlgalka cusub ee Soomaaliya ATMIS kaas oo bedelay AMISOM.

Bayaanka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in qorshaha kala guurka ee ATMIS oo mas’uuliyadda amniga uu ku wareejin doono ciidanka xoogga dalka.

Howlgalka cusub ee ATMIS wuxuu abuureyaa in la helo ciidan guur guura oo ka jawaabaya khataraha amni daro oo Alshabab geystaan isla markaana ciidanka xoogga dalka ka caawiya howlgalada lagu baacsanayo argagaxida.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Golaha ammaanka ku bogaadinaysaa taaageeradooda xilligi ay socdeen wada hadalada guddiyada farsamo oo ay uga arrinsanayay sidii howlgalka ATMIS uu u noqon lahaa mid si sax ah u shaqeeya kuna wareejiya qorshaha kala guur Soomaaliya” ayaa lagu soo gabagebeeyay qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ka soo baxay.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM oo soo jirey tan iyo 2007 ayaa shalay ku ekaa, waxaana shaqada kala wareegay howlgalka Midowga Afrika ee xilliga kala guur ee ATMIS kaas oo sii shaqeyn doona ilaa 2024.