AKHRISO:- Howlgallo ka billowday Muqdisho kadib Amaradii Farmaajo & Rooble

0

Kadib kulamo is xigay oo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ay la yeesheen Saraakiisha Hay’adaha Amniga ayaa Ciidamada Amaanka waxaa ay Muqdisho ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida qeybta Waliyow- Cadde ayaa howlgallo kala duwan ka fuliyay qeybo kamid ah Gobolka Banaadir iyo degmada howl-wadaag, iyada oo lagu soo qabqabtay dad looga shakiyay inay liddi ku yihiin Amniga.

Ciudamada ayaa baaritaano Guri Guri ah sameeynayay, iyaga oo mararka qaar baarayay Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, waxaana howlgalka hoggaaminayay Saraakiisha Ciidamada Booliska & Nabadsugida qeybta Waliyow-Cadde.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska qeybta Waliyow-Cadde oo howlgalka faah faahinayay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa xaqiijinta Amniga, iyaga oo fulinaya Amarkii Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha maadaama ay soo dhawdahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan.