AKHRISO:- Al-Shabaab oo saaka weeraray Saldhiga Af-urur & dagaal ka dhacay

0

Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa waaberigii saaka weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana weerarka uu ku billowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu waagu isugu baryay ciidamada Puntland & Al-Shabaabkii weerarka ku qaadday Saldhiga degaanka Af-urur ee Gobolka Bari.

Goobjooge ku sugan tuulada Af urur ayaa sheegay in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo hadda meel u dhow tuulada Af-urur.

Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhanka ciidanka Puntalnd iyo Al-Shabaab.

Ma aha markii ugu horreeyay ee Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, islamarkaana ay muddo kooban kula wareegeen deegaanka.