AKHRISO:- Maamulka baarlamaanka oo dalbaday in loo soo gudbiyo xogta Xildhibaanada Cusub

0

Maamulka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday Guddiga Doorashooyinka iyo Raiisul wasaare Rooble in ay soo gudbiyaan xogta Xildhibaanada Cusub ee dhawaan la doortay.

Warqad kasoo baxday xoghayaha guud ee Golaha Shacabka DFS ayaa Siddaan u qorneyd:

Waxaan si xushmad iyo qaddarin leh kaaga codsanaynaa inaad xogta galalka qof ahaaneed ee
Xildhibaanada la soo doortay muddo xileedka Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare aad nagu
soo wareejiso sida ugu dhakhsiyaha badan ka dib markii marxaladda doorashada la gebagebeeyo.
Xogta galalkan waxaan looga maamin diiwaangalinta xildhihbaanada cusub
Xogta, caddeymaha iyo dukumentiga muhiimka ah ee loo baahan yahay in ay ku jiran galka qof
ahaaneed ee xildhibaan walba waa kuwan hoos ku taxan:
1. Shahaada xildhibaanimada ee GHDHE
2. Shahaado dugsiyeed aqoonta.
3. Sawirka baasaboorka ama warqaddii kale ee sugeysa aqoonsi shakhsiga.
4. Afar sawir oo xildhibaanka ah
5. Caddeynta istiqaaladda/shaqa ka tegista iyo caddeynta oggolaashaha hay’adda dawladda uu ka
tirsnaan jiray/tey.
6. Taariilkh nololeedka xildhibaanka.
7. Magaca degaan doorashacliisa.
8. Duqa ama duubabka beesha kursiga leh.
9. Ergada soo dooratay
10. Qofka ama dadika la tartamay natijacda ay ku kala badsheen.