AKHRISO:- Koonfur Galbeed oo Shaacisay kuraastii ugu dambeysay ee golaha Shacabka

0

Guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa shaaciyay qabashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta taala Magaalada Baydhabo.

Doorashada 7 kursi ayaa la qabanaya Maalinta Talaadada ah oo ay taariikhdu ay ku beegan tahay 14 Maarso.

Koofur Galbeed ayaa soo gabagabeyneysa 15 bishan kuraastii u dambeysay ee deegaan doorashada Baydhabo, todobada kursi ee Baydhabo ayaa ku jira kursiga #HOP172 oo uu horay ugu fadhiyay Madaxweyne Lafta Gareen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxayay xaalada kursigan oo si weyn isha loogu haayo cida qaadan doonto, waxaa horay u soo baxay warar sheegayay in kursigan uu damac uga jiro Madaxweyne Lafta Gareen.

HOP#172
HOP#204
HOP#047
HOP#181
HOP#197
HOP#164
HOP#179