AKHRISO:- Laba Ruux Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Africa

0

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa laba Dhalinyaro Soomaali ah waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ku dileen magaalooyin katirsan dalka Koonfur Afrika.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Cali Abuukar iyo Deeq Hashuumi, waxaana lagu dilay Magaalooyinka Pretoria iyo Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Dhalinyarada la dilay oo kamid ahaa Soomaalida ugu caansan dalka Koonfur Afrija, waxaana ay halkaasi u tageen Ganacsi ahaan, balse Kooxo Burcad ah ay sibareer ah u dileen.

Ciidamo katirsan Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo sameeyay howlgallo baaritaano ah walow aysan gacanta ku dhigin dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa sanad walba lagu dilaa tobaneeyo Soomaali ah, iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda wax ka qabato dilalka Soomaalida.