AKHRISO:- Dowladda Somalia oo Ciidamo geeysay degmada Matabaan & xaaladdo kajira

0

Ciidamo katirsan kuwa Gorgor iyo Harmacad ayaa  waxaa ay gaareen Degmada Matabaan oo katirsan Gobolka Hiiraan, si ay qeyb uga noqdaan sugida Amniga degmadaas.

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa shalay la wareegay degmada Matabaan walow markii dambe ay isaga baxeen, waxaana taasi ay keentay in dowladda Soomaaliya ay Ciidamadaas geeyso.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraray Magaalada Matabaan lana wareegay, iyaga oo burburiyay Saldhiga Booliiska Degmada iyo Goobo kale oo uu ku Shaqeeynayay Maamulka degmadaas.

Xaaladda degmada Matabaan ayaa hadda ah mid degan, waxaana qaar kamid ah Bulshada Magaalada ay sheegeen in uu saameyn ku yeeshay isbed bedelka Maamul ee ka dhaca degmada iyo weerarada Ururka Al-Shabaab.

Degmada Matabaan oo kagirsan Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay maamul ahaan hoostagtaa dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana horay u maamuli jiray xoogaga Ahlusunna Waljamaaca.