AKHRISO:- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan fuliyay

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 35aad ee Guutada 7aad ee Qeybta 60aad ayaa Howlgal qorsheysan saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Degaannada Ciidanka xoogga Dalka ka fuliyeen Howlgalka ayaa kala ah, maguurto ,Cumar beere , Warmuley iyo degaano kale, kuwaas oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad ee qeybta 60aad Dhame Axmad Maxamuud Cali  oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay u jeedka howlgalka uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Ammaanka laguna baadi goobayay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in howlgalka ay Ciidamada sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo joogta ah ka fuliya degaano iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo mararka qaar weeraro kala kulma Al-Shabaab.