AKHRISO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo War kasoo saaray Amniga Beledweyne xilli doorasho ka socoto

0

Kadib markii maalmihii la soo dhaafay Magaalada Beledweyne ay ka jireen Shaqaaqooyin iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ayaa Maamulka Gobolka Hiiraan waxaa uu Maanta War kasoo saaray Amniga Magaaladaasi Beledweyne

Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobalka Hiiraan Axmed Cusmaan Cabdulle (Axmed Inji) ayaa sheegay in Amniga Magaalada Beledweyne xilligaan uu yahay mid aad u wanaagsan oo dhibaato aysan kajirin.

Mudane Inji oo la hadlayay qaar kamid ah Ergada dooraneysa kuraasta Golaha Shacabka wuxuu sheegay in Magaalada Beledweyne ay ka dhaceyso doorasho Nabdoon oo dadka loo doorto si xor iyo xalaal ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in siweyn loo adkeeyay Amniga Magaalada Beledweyne oo ay ka socdaan doorashooyinka, isaga oo cadeeyay in xilligaan aysan wax culeys amni ah kajirin Magaalada Beledweyne.

Magaalada Beledweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa lagu arkayay Maleeshiyo Beeleedyo hubeysan oo la socda musharrixiinta iyo kuwo kasoo horjeeda in kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Beledweyne loo xiro musharrixiin gaar ah.