AKHRISO:- Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo fasaxay doorashada kuraas ay hakiyeen

0

Iyada oo xalay Guddiga doorashooyinka heer federaal ay shaaciyeen in ay hakiyeen doorashada Saddex Kursi oo Maanta doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Beledweyne ayaa hadana guddigu ay fasaxeen.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiino ayaa sheegay in kadib markii la dhameystiray habraacyada Saddexda Kursi la fasaxay in la qabto doorashadooda

Waxaa uu sheegay inay jirtay cabasho laga keenay kuraastaas balse la xaliyay, isla markaana Salaada Duhur kadib kuraastaas doorashadooda lagu qabanayo Beledweyne.

Kuraasta ay Guddiga horay u hakiyeen balse ay dib u fasaxeen ayaa ahaa kuwo maalmihii la soo dhaafay ay dood ka taagneyd, waxaana Saddexda kursi ay kala yihiin.

1: Kursiga HOP#010 oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi, waxaana kursigaan uu ahaa mid doorashadiisa ay ka dhalatay dood adag kadib markii ay soo baxeen in musharrax gaar ah loo xiray.

2: Kusriga HOP#030 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, waxaana kursigaan dhawaan ciidamo ka gadoodsan lagu arkay meelo kamid ah Magaalada Beledweyne.

3: Kurisiga HOP#066 oo uu ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge, waxaana kursigaan uu kamid ahaa kuraasta taalla Magaalada beledweyne oo ay dooda ka taagan tahay.

Maanta gelinka dambe ayaa la filayaa in doorashada Saddexda kursi lagu qabto Magaalada Bedweyne ee Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.