AKHRISO:- Ruushka oo hanjabaad kulul u jeediyey Britain

0

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa lagu sheegay Moscow iney illaawi doonin taageerada ay Britain u fidisay Ukraine.

Warbaahinta Ruushka oo soo xigatay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka Maria Zakharova, ayaa shegtay Ruushka marnaba iney illaawi doonin iskaashiga London ay u muujisay Kyiv.
“Cuqabateynta Moscow la saaray oo ay London hormuudka ka tahay ama ay doorka ugu weyn ku leedahay waxay naga nagu qasbeysaa inaan qaadno tallaabooyin aargoosi ah oo saami ahaan adag, oo danaha Britain ay Ruushka ka leedahay si weyn u wiiqi doonto” ayey tiri.

Sheekada rasmiga ah ee Ruushka ayaa ah in halista dadka rayidka ah ee Ukraine aysan ka imanayn ciidamada Ruushka, laakiin ay ka timid “wadaniiinta Ukraine”.

Dowladda UK ayaa hub iyo kaalmo dhaqaale oo aad u xooggan siisay dalka Ukraine tani iyo marki uu dagaalka soo billaawday.