AKHRISO:- Ciidanka Booliska oo toogtay kooxo dilay Sarkaal Boolis ah

0

Alla ha u naxariistee Sargaal lagu magacaabo Axmed Xasan Biriq ayaa xalay koox hubeysan waxay ku dileen xaafadda Holwadaag ee Magaalada Baladweyne.

Sargaalkan ayaa kamid ahaa Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowlad Gobolkeedka Hir-Shabelle .

Qaar ka mid ah Ciidanka Booliska Saldhig galbeed Beledweyn ayaa  isla goobti ay falka ka geysteen ku dilay kooxiihi dilay Sarkaalka.

Kooxaha dilka gestay oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa isku dayay in ay baxsadaan balse ku guuldareystay , maadaama goobtii ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa booliska.

Magaalada Beledweyne ayaa amnigeeda si weyn loo adkeeyay maalmihii lasoo dhaafay maadaama ay ka socoto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana ciidanka ay waddaan howlgallo.