AKHRISO:- Puntland oo soo bandhigtay magacyada musharrixiinta 16 Kursi

0

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray liiska musharrixiinta u tartamaysa16ka kursi ee taalla Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa doorashadooda la kala qabanayaa 5-ta ilaa 6-da Bishaan oo ku beegan Maalinta Sabtida ah ee Beri ah iyo Maalinta xigta ee Axadda, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin

1: Kursiga Koowaad ee Hop#273 oo uu ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Yare) balse waxaa ku tartami doona Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud & Sahra Maxamed Maxamuud.

2: Kursiga labaad ee Hop#157 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaase ku tartamaya Maxamed Axmed Aadan & Iidle Cali Axmed.

Kursiga Saddexaad ee Hop#228 Maxamuud Axmed Ciise Maas, waxaana kursigaan ku tartami doonaa Cabdulaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdullaahi Maxamed

Kursiga Afaraad ee Hop#234 waxaa ku fadhisa Deeqo Saciid Xasan oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doonaMaraa Cabdiyo Bashiir Xaaji Cali &  Aamino Cabduweli Maxamed.

Kursiga Shanaad ee Hop#076 waxaa ku fadhiya  Muuse Axmed Ismaaciil, waxaana markale ku tartami doona Muuse Axmed Ismaaciil iyo Faadumo Ibraahim Ismaaciil
Kursiga lixaad ee Hop#227 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI) oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Muno Cali Mire Cartan.

Kursiga todobaad ee Hop#158 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane) oo meesha laga saaray, waxaana ku taratamaya Saadaam Maxamuud Cabdi & Muno Maxamuud Dalmar.

Kursiga Sideedaad ee Hop#083 ayaa waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Bille Nuur, balse ay ku tartami doonaan Maxamed Bashiir Cali & Aamino Maxamed Ciise.

Kursiga Sagaalaad ee Hop#169 waxaa ku fadhiya Wasiirka Wasaaradda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo tartanka laga reebay, waxaana ku tartamaya Cali Mahdi Maxamed Cali & Xafsa Cali Axmed.