AKHRISO:- Amaro laga soo saaray Amniga Magaalada Gaalkacyo xilli doorasho lagu qabanayo

0

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay xoojinta amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha shacabka ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida & Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada, waxaana diirada lagu saaray xoojinta & adkeynta Amniga inta ay socdaan doorashooyinka.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye (Isxal) oo kulanka markii uu soo geba-gaboobay kadib Warbaahinta la hadlay ayaa Akhriyay Amarada dhanka Amniga ah ee shirkaasi kasoo baxay.

1: In cid aan aheyn laamaha Amniga ka Shaqeynaya aysan hub ku dhex qaadan karin Magaalada Gaalkacyo talaabana laga qaadayo.

2: In la mamnuucay Gaadiidka ay ku xiran yihiin Muraayaha Madow ee (Bensalka) iyo in Gaadiid la dhigo Hareeraha waddooyinka.